Home Wararka Caalamka Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Ruushka oo inta laqabtay Laga Duubay Muuqaal asagoo...

Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Ruushka oo inta laqabtay Laga Duubay Muuqaal asagoo Ladilaayo

0

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal muujinaya ciidamada Ukraine oo tooganaya askari Ruush ah oo ay qabteen.

Waxaa muuqaalka lagu duubay jid dhanka galbeed uga aaddan caasimadda Kyiv, halkaas oo ay dhawaan isaga baxeen ciidamada Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibeddda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay inuu ka war helay muuqaalka, isla markaana baaritaan lagu samayn doono.

Muxuu muuqaalka muujinayaa?

Waxaa muuqaalka ku jira afar nin oo xiran dareeska ciidamada oo dhulka jiifa, mid kamid ahna uu garba-duub u xiran yahay.

Saddex kamid ah raggaas ayaa u muuqda kuwo meyd ah, hase yeeshee kan xiran ayaa u eg mid ay naf ku jirto balse qaba dhaawac xooggan.

Nin ka mid ah askarta Ukraine oo aan muuqaalka ku jirin ayaa leh “iska daa” mid kale ayaa ugu jawaabay “ma daynayo”. Askari aan wajigiisu muuqan ayaa markaa kadib rasaas ku furay ninka dhaawaca ah, ilaa inta uu ka dhimanayay.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinaya dhammaan askarta goobta lagu laayay oo dhiig balli dhiig ah dhex jiifa. Waxaa la arki karaa wejiga mid kamid ah afarta askari ee la dilay.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Ka Digay Arin uu Farmaajo Damacsanyahay
Next articleAlshabaab Qorshaynayay inay Weeraraan Wisil oo iyaga La Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here