Home Wararka Maanta Askar Ka TIrsan Dowlada oo Markale Maantay Toogasho ka Gaystay Muqdisho

Askar Ka TIrsan Dowlada oo Markale Maantay Toogasho ka Gaystay Muqdisho

0

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa toogasho kale oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo loo gaystay qof shacab ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, waxaana gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaa in kahor toogashada uu marxuumka diiday amar uu siiyay askariga, si uu baaro, kadibna waxaa xigtay toogashada, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka la dilay uu ka xanuunsanaa dhimirka, waxaaa maydkiisa loo qaaday xarunta dambi baarista C.I.D-da, si loo baaro kiiskiisa.

Askariga oo isku dayay inuu baxsado ayaa isna goor dambe waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada ammaanka oo soo xiray, si loo horgeeyo cadaaladda.

Waa toogashadii labaad ee ka dhaceyso caasimada, waxaana shalay sidaan oo kale askar la socotay baabuur marayay agagaarka Tarabuunka ay dileen gabar ardayad ahayd oo mareysa waddada, waxayna ka baxsadeen goobta, kadib dilkaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey, waxaana ehelladooda ay sheegeen in aanay aasi doonin maydka, inta laga soo qabanayo dambiilaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo noqday dilalka ay gaysanayaan askarta dowladda oo dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka ku dhaqan gudaha caasimada.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Racfaanka oo Xukunkii Sayid Cali Ku Dhawaaqay
Next articleJames Swan oo mar kale loo magacaabay ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.