Dowladda Ugand ayaa xukun ku ridday laba sarkaal oo kamid ah ciidamadeeda ka howlgalayay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo loo haystay eedeymo la xiriira weerarkii askarta badan looga dilay ee ka dhacay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhacay 26-kii bishii May ee sanadkan.
Labada nin ayaa waxaa lagu helay dambi la xiriira fulaynimo iyo inay sameeyeen dayacaad, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labada sarkaal ay mas’uul ka ahaayeen saldhigga la weeraray, balse ay iska indha-tireen xog sirdoon oo sheegaysay inuu kusoo wajahahan yahay weerar, iyadoo markii uu dhacay weerarkana sameyn waayeen is-difaacid, taasoo sababtay in 57 askari lagu dilay goobta, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ATIMIS.
Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.