In ka badan 70 arday oo dhamaysatay waxbarashada dugsiga ee deegaannada hoos taga maamulka Galmudug oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkey ayaa maanta ka ambabaxaya magaalada Muqdisho.
Ardayda u safraysa dalkaTurkey ayaa lagu kala saaray kaalmihii ay ka galeen imtixaan ay qaadeen jaamacadaha siiyay deeqda, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb.
Wasiir Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa isagoo ku sugan magaalada Dhuusomareeb u sheegay in Galmudug ay sii wadi doonto Taageerada dhalinyarada
Ad