Home Wararka Maanta Arday Fasalka ku Dhex toogtay Macalimadiisa Dalka Mareykanka

Arday Fasalka ku Dhex toogtay Macalimadiisa Dalka Mareykanka

0

Wiil lix sano jir ah ayaa rasaas ku furay fasal dugsi hoose oo ku yaalla bariga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, isagoo dhaawac halis ah u geystay macallimadiisa, sida ay booliisku sheegeen.

Ma jiro arday wax ku noqotay shilka ka dhacay Dugsiga Hoose ee Richneck ee ku yaal magaalo xeebeedka Newport.

“Qofka weerarka geystay waa arday lix jir ah. Hadda waxa uu ku jiraa xabsiga booliska,” ayuu taliyaha bilayska deegaanka Steve Drew u sheegay shir jaraa’id, isaga oo intaa ku daray in “tani aanay ahayn toogasho shil ah.”

Waxa uu sheegay in wiilka uu fasalka dhexdiisa ku haystay qori gacmeed, baarayaashuna ay isku dayayaan inay ogaadaan halka uu ka helay. Taliyaha Booliska ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin rasaastaasi, iyo waxa ka dhacay gudaha Iskuulka.

Taliyaha booliisku si gaar ah ugama hadlin su’aalaha ku saabsan in mas’uuliyiinta ay la xiriireen waalidka wiilka, laakiin wuxuu sheegay in xubno ka tirsan booliiska ay gacanta ku hayaan baaritaankaas.

“Waxaan la xiriirnay qareenka Dawlada Dhexe [Xeer ilaaliyaha deegaanka] iyo qaar ka mid ah hay’adaha kale si ay nooga caawiyaan inaan sida ugu wanaagsan u helno adeegyada ninkan da’da yar,” Drew ayaa yiri.

Newport waa magaalo ay ku nool yihiin 185,000 oo qof oo ku taal koonfur-bari ee Virginia.

“Waan argagaxsanahay, waanan niyad jabay,” ayuu yiri maamulaha dugsiyada ee magaalada, George Parker. “Waxaan u baahanahay taageerada bulshada si aan u hubinno in hubka aysan heli karin dhalinyarada.” ayuu intaas ku daray.

Khubaradu waxay sheegeen in toogashada dugsiga ee uu ku lug leeyahay ilmo 6 jir ah ay tahay mid aad dhif u ah, halka sharciga Virginia uu xaddidayo siyaabaha ilmaha da’daas ah loogu ciqaabi karo dembigaas oo kale.

Toogashada iskuulada ayaa aafeysay dalka Mareykanka, iyadoo ay dhawaanahan ka dhaceen dhibaatooyin ay ka mid yihiin dilal bishii May ee la soo dhaafay 19 caruur ah iyo labo macalin ayaa lagu dilay magaalada Uvalde ee gobolka Texas, waxaana dilay nin 18 jir ah oo hubeysan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Cabdullaahi Maxamed Nuur Xilsare U Magacaabay
Next articleAlshabaab oo War Kasoo Saartay Wadahadaladii lasheegay inay Dowlada Soomaaliya Ka Dalbadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here