Home Wararka Maanta Antonio Guterres oo baaq Soomaaliya ka Xumaatay u dirtay Soomaaliya iyo Itoobiya

Antonio Guterres oo baaq Soomaaliya ka Xumaatay u dirtay Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku boorriyay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya inay wada xaajood ka yeeshaan muranka heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xiisadda Geeska Afrika ayaa sare u kacday tan iyo heshiiskaas oo dhacay 1-dii bishan January.

Heshiiskan is-afgaradka ah ayay Itoobiya ku heleysaa inay isticmaasho Badda Cas, halka ay Somaliland taa beddelkeed heleyso aqoonsi.

“Waxaa mar walba ina haga qawaaniin qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu Guterres ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay halka uu ka dhacayay shirka dalalka G77 plus China ee caasimadda Uganda ee Kampala lagu qabtay.

Ad
Previous articleMuxuu yahay xeerka muranka dhaliyay ee Madaxweyne Biixi uu dib ugu celiyay Golaha Guurtida Somaliland?
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dad Kala Duwan oo Anooyin Qabiil Loogu Laayay Galmudug iyo Xiisado Ka Taagan Saakay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here