Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku boorriyay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya inay wada xaajood ka yeeshaan muranka heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Xiisadda Geeska Afrika ayaa sare u kacday tan iyo heshiiskaas oo dhacay 1-dii bishan January.
Heshiiskan is-afgaradka ah ayay Itoobiya ku heleysaa inay isticmaasho Badda Cas, halka ay Somaliland taa beddelkeed heleyso aqoonsi.
“Waxaa mar walba ina haga qawaaniin qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu Guterres ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay halka uu ka dhacayay shirka dalalka G77 plus China ee caasimadda Uganda ee Kampala lagu qabtay.