Shalay waxaa lasoo saaray liiska Musharixiinta Golaha Deegaanka Oslo ee Xisbiga Hoyre ee Doorashada Golaha Deegaanka Oslo ee Sanadka 2023.
Liiska Musharixiinta waxaa kasoo muuqday Anfac Haashi Goodir oo ah gabadh asal ahaana kasoo jeeda Dalka Somaliya isla markana noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee Xisbiga u matasha Doorashada Golaha Deegaanka Oslo.
Anfac Ayaa liiska Mushiriixta kaga jirta Booska 24aad Waxana horey loogu yaqaanay Arimaha Bulshada ee dadka Somalida waana qof aad u fir-fircoon.
Golaha Deegaanka Oslo ayaa ah kuwa aad muhiim ugu ah Xisbiyada inay saameyn ku yeeshaan si Maamulka Deegaanka ay ugu daraan Fakarkooda.
Anfac ayaa la aaminsanyahay in ay wax badan ka qaban karto Arimaha Dadka Somalida iyo waliba ajaanibta kale.
Ad