Home Wararka Somaliya Amnest international oo fariin ku saabsan COVID-19, udirtay Dowladda Soomaaliya

Amnest international oo fariin ku saabsan COVID-19, udirtay Dowladda Soomaaliya

0

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaala nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya.

Cilmi-baaristu waxay ogaatay in helitaanka tas-hiilaadka caafimaad ee bukaannada Covid-19 ay aad u xaddidan tahay iyadoo hal isbitaal oo ku yaal Muqdisho laga maamulo dhammaan kiisaska la xiriira Covid-19 ee ku baahsan dhammaan gobollada koonfurta iyo bartamaha intii lagu jiray mawjaddii ugu horreysay cudurka.

“Jawaabta dowladda Soomaaliya ee masiibada waxay ahayd mid aan ku filneyn marka loo eego yaraanta oksijiinta iyo helitaan la’aanta adeegyada ambalaaska, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay dayacaad sannado ah ”Ayuu yiri Deprose Muchena, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Hay’adda Amnest waxay sheegtay, Soomaaliya oo hadda u qalanta deyn -cafinta, in mas’uuliyiintooda ay hubiyaan in dakhliga iyo deeqaha si weyn loogu maal-geliyo hagaajinta bixinta daryeelka caafimaadka, miyiga iyo magaalooyinka labadaba.

An analysis by Amnesty International of the government’s budget between 2017 and 2021, showed that the average budget allocated for health projects was only 2%. During the same period, the average budget allocated to the security sector, including the ministries of defense and internal security, was 31% of the total government budget.

Amnesty International has called on the Federal Government of Somalia to increase its health budget by 2% to 15% of its annual budget in accordance with the Abuja Declaration.

Ad
Previous articleDhowr baraha bulshada ah oo laga Xanibay kooxda Taliban
Next articleShir u dhaxeeya Hay’adaha Amniga dalka iyo Golaha Nabada ee Midowga Afrika oo Muqdisho ka Furmay {Swairo}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here