Home Wararka Somaliya Galmudug AMISOM oo Beenisay ay ka qeyb qaadatay Dagaalkii Gurceel

AMISOM oo Beenisay ay ka qeyb qaadatay Dagaalkii Gurceel

0
AMISOM oo beenisay islamarkaana ka hadashay wararka sheegaya in ay ka qeyb qaateen dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo xoogaga Ahlu-sunna kaas oo maalmo kahor ka dhacay Guriceel.
War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa lagu yiri” Ma jirto wax taageero ah oo aan siinay dowladda Soomaaliya heer qaran iyo heer gobol si ay ula dagaalamaan Ahlu Sunna Waljamaaca,
sidoo kale sinaba ugama qeyb qaadan dagaaladii hubeysnaa ee dhiiga badan ku daatay ee dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel”
Qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan warbaahintu shaacisay in Kaydka AMISOM ee xalane laga qaaday hub lagula dagaalamo xoogaga Ahlusuna
Ad
Previous articleWeriye Tooxoow oo Gurceel Lagu xiray
Next articleSheikh Shaakir oo war ka Soo saaray Dagaalkii gurceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here