Home Wararka Maanta Amiir Mohamed bin Salman oo ku hanjabay inuu xayiraado kusoo rogi doono...

Amiir Mohamed bin Salman oo ku hanjabay inuu xayiraado kusoo rogi doono Imaaraadka Carabta

0

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Mohamed bin Salman ayaa ku hanjabay inuu xayiraado kusoo rogi doono Imaaraadka Carabta xilli uu wada-sheekeysi gaar ah la yeeshay suxufiyiin sanadkii tegay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Wall Street Journal.

Hanjabaadda ayaa timid ayada oo uu jiro muran sii kordhaya oo u dhaxeeya bin Salman iyo madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, oo ku saabsan kala aragti duwanaansho ku aadan siyaasadaha gobolka iyo ururka OPEC.

Xog lagu heshiiyey inaan la duubin oo uu bixiyey bishii December, ayuu Bin Salman ugu sheegay weriyayaasha inuu Abu Dhabi u diray liis dalabyo ah, ugana digay in Sacuudi Carabiya ay qaadi doonto tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah xulufadeeda gobolka, haddii Imaaraadka ay sii wadaan inay boqortooyada ku hagardaamiyaan gobolka.

“Waxay kasii xumaan doontaa wixii aan ku sameeyey Qatar,” ayey kasoo xigteen dadkii ka qeyb-galay kulanka.

Sanadii 2017, Riyadh ayaa hoggaamisay xayiraad diblomaasiyadeed oo la saaray Doha, oo ay xoojisay go’doomin dhaqaale oo socotay saddex sano, ayada oo ay taageerayaan Abu Dhabi iyo Bahrain. Xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa dib loo soo celiyey 2021.

Loolanka gobolka 

Dhaxal-sugaha iyo bin Zayed ayaa waxay ku jiraan loolan awooded ayaga oo ku tartamaya ku xoog badnaanshaha gobolka Khaliijka, mana wada-hadlin muddo lix bilood ah, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wall Street Journal.

Mohamed bin Salman ayaa u sheegay weriyayaal Sacuudiyaan ah, Imaaraadka Carabta “dhabarka ayey naga toogteen,” wuxuuna ka digay “way arki doonaan waxa aan sameyn karo.”

Xiisadda sii kordheysa ayaa walaac ku abuurtay saraakiisha Mareykanka oo ka cabsi qaba in loolan Khaliijka ah uu wiiqi karo dadaallada lagu aas-aasay isbaheysi amni oo ka dhan ah Iran, lagu xalinayo dagaalka Yemen, islamarkaana lagu ballaarinayo xiriirka Israel ee dalalka Muslimka ah.

Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa dano is-diidan ka leh dalalka Yemen iyo Sudan, halka Sacuudi Carabiya ay cadaadineyso in sare loo qaado qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Imaaraadka aysan ku raacsaneyn.

Dalka Syria, Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay diiradda dib ugu soo celinta Dimishiq ee Jaamacadda Carabta, inkasta oo ay ku timid dadaal diblomaasiyadeed oo muddo ay ka shaqeysay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, dib ula heshiinta Sacuudi Carabiya ee Iran ee horraantii sanadkan ayaa la yaab ku noqotay Imaaraadka Carabta.

Xiisado dhaqaale

Dadaalka Sacuudiga uu ilaha dhaqaalihiisa uga dhigayo dhinncyo kala duwan, islamarkaana ku yareenayo ku tiirsanaanta shidaalka, ayaa sidoo kale keentay inuu tartan toos ah la galo Imaaraadka.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ayaa hiigsanaya inuu soo jiito shirkadaha si ay xaruntooda gobolka ugu raraan Riyadh, ayna furaan xarumo teknooloji, oo ay dhistaan goobo dalxiis iyo sahay, taasoo caqabad ku ah kaalinta Dubai ee ah inay tahay xarunta ganacsi ee Bariga Dhexe.

Khilaafka labada hoggaamiye ayaa ku fiday shirkii OPEC ee bishii October, markaasi oo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudi Carabiya inay ku qasbeen inay ogolaadaan yareynta soo saarista saliidda.

Imaaraadka ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay isaga baxaan ururka OPEC, taasi oo muujineysa sida ay uga xun yihiin awoodda Sacuudiga ee ururka.

Maamulka Biden ayaa dadaal u galay sidii loo heshiisiin lahaa labada dhinac, iyadoo bishii May ay ka shaqeeyaan kulan ku dhex-maray Mohamed bin Salmaan iyo Sheekh Tahnoun bin Zayed, oo ah walaalka ka yar madaxweynaha Imaaraadka iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Saakay loogaystay Gudoomiye Faqay Cabdulle Mayoow
Next articleDowalda Soomaaliya oo Dalka Ka cayrisay Mid kamid ah Agasimayaasha Turkida ah ee ka howlgalaayay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here