Home Wararka Somaliya Galmudug Amaro la duldhigay Shacabka Degmada Gurceel

Amaro la duldhigay Shacabka Degmada Gurceel

0

Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay amniga Gurceel, kaas oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Degmada Guriceel faarax Cabdi Macalin, iyada oo laga soo saaray ammaro la xiriira dhanka Amniga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay, taliska Booliska degmada Guriceel, Nabadsugidda, Saraakiisha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Ciidamada Qeybta 21,aad Guutada 15,aad, taliska Gorgor iyo kuwa Daraawishta Galmudug.

Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudeey oo Ammarada Warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay in mamnuuc ka tahay degmada Guriceel in qof Shacab ah uu hub ku dhex qaato, sidoo kalena Ciidamada ka aqbaleyn rasaasta ay mararka qaar iska ridayaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada ay diyaar u yihiin sugida amniga degmada Guriceel & degaannada hoostaga, balse Shacabka looga baahan yahay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Tan iyo markii xoogaga Ahlusunna ee degmada Guriceel kula dagaalamay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka baxeen ayaa waxaa siweyn loo adkeeyay amniga, iyada oo dhowr jeer la soo saaray ammaro la xiriira Amniga.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Ruusha oo si kulul uga hadlay Dagaalada ay Soomaaliya ka wadaan Alshabaab
Next articleGuddiga xalinta Khilaafaadka oo u jawaabay Midowga Musharaxiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here