Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare gaystay uu ka dhacay koonfurta gobolkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in miinada ay ku qaraxday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xilligaas ku howlanaa farsameyna qaraxaasi, si ay ugu dhigaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada culus ka wada halkaasi.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay jiritaanka qaraxaas, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah.
Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa indhowaanahan ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo laga saaray magaalooyin waa weyn, sida Camaara iyo Bacaadweyne.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dadka deeganaka, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab