Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday Magaalo Dhawaan Laga Qabsaday

Alshabaab oo Weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday Magaalo Dhawaan Laga Qabsaday

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xogan dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga, kadib qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare lixaadleh oo ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay saraakiil iyo askar badan oo ku sugneyd saldhigga Janaay Cabdalle.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka oo gaadmaa ahaa uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana ay inta jiifeen ciidamada deggan saldhiggaasi, taas oo fursad badan siisay xoogaga Al-Shabaab weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in dishay saraakiil iyo askar ku jirtay xeradaas oo  aysidoo kale sheegtay inay qabsatay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmashada ah, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidanka huwanta howlgallada ka wada gobolllada.

Raisal Wasaare Xamze oo la kulmay Bulshada Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay xubno matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sanaag. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ku

Dowlada Somaliya oo soo Dhaweesay Tageerada Dowlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha

Ciidanka Amniga Muqdisho oo loo Gacan galiyay Nin Dil Geestay

Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale

Dowladda Soomaaliya oo SSC-Khaatumo u aqoonsatay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay saaxiibada caalamka ee taageera Soomaaliya inay ula dhaqmaan maamulka SSC-Khaatumo si lamid ah maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka

Madaxweynaha SSC Khaatumo oo Somaliland ugu baaqay Nabad Sharuud La’an ah

Madaxweynaha maamulka SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Xalay ka hadlaayay munaasibad balaaran oo ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ugu baaqay Somaliland nabad iyo
Ad
Previous articleDhaawac soo gaaray jilaaga caanka ee Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere Xili uu jilaayay Filim
Next articleHogaamiye Xamad bin Xamuud Al Tamiimi oo Duqayn Lagu Dilay