Home Wararka Maanta Hogaamiye Xamad bin Xamuud Al Tamiimi oo Duqayn Lagu Dilay

Hogaamiye Xamad bin Xamuud Al Tamiimi oo Duqayn Lagu Dilay

0

Qoraal ka soo baxay Alqaacidada Gacanka Carbeed (Al Qaeda in the Arabian Peninsula, AQAP) ayaa lagu xaqiijiyey in Xamad bin Xamuud Al Tamiimi lagu dilay Hoy uu ka deganaa Gobalka Ma’rib ee dalka Yemen bishii la soo dhaafay ee February 26-dii.

Hogaamiyahaasi oo Sacuudiga u dhashay waxaa loo yaqaanaa C/Casiis Al Cadnaani,  wuxuuna ahaa Sarkaal dhanka Warbaahinta ee Alqaacidada Yemen ee AQAP.

Duqeyn Diyaarad Daroon oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin ayaa fulisay duqeyntii lagu dilay Hoggaamiyahaasi iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Abu Naasir Al Xadhrami.

Dhanka kale, Afar Taliye oo ka tirsanaa Kooxda Daacish-ta Khorasan (The Islamic State Khorasan) ee ka dagaalanta dalka Afgaanistaan  ayaa lagu kala dilay dalalka Pakistan iyo Afgaanistaan.

Afartaas Sarkaal oo ay Dowladda Hindiya ku raad-joogtay ayaa la dilay muddo hal bil gudaheeda, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay: Sayid Nuur Shalobar, Sayid Khalid Raza,  Ejaz Ahmed Ahangar oo loo yaqaano Abu Usman al-Kashmiri iyo Bashir Ahmed Peer oo loo yaqaano Imtiaz Alam.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday Magaalo Dhawaan Laga Qabsaday
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Dalka Qatar kula kulmay Madaxweyne Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here