Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Ciidamada...

Alshabaab oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Ciidamada Dowlada ee….

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay bar koontraool oo laga soo galo degmada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka la fashiliyay, isla-markaana laga hortegay in xubnaha Al-Shabaab ay gudaha usoo galaan Awdheegle.

Waxay sidoo kale intaasi ku dareen in weli dagaalka uu socda, isla-markaan ay howlgal ka hortag ah wadaan ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaq culus uu ka socdo degmada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dil argagaxleh oo Gaalkacyo loogu Gaystay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac
Next articleAlshabaab oo Lagu jabiyay Dagaalkii ay ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowada ee Awdhiigle