Home Wararka Maanta Alshabaab oo Lagu jabiyay Dagaalkii ay ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowada ee...

Alshabaab oo Lagu jabiyay Dagaalkii ay ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowada ee Awdhiigle

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Warsaxaafadeed Hordhac ah laso Saaratay Dagaalkii Saakay aroortii Alshabaab Ku Qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowlada ew Awdhiigle War Saxafadeedka oo lagu Daabacay TelefishinkaQaranka ayaana U Qornaa Sidaan:

Khawaarijta oo Meydadka in ka badan 20 Maleeshiyaad uga carartay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa aroornimadii hore ee saakay ka hor tagay weerar qar iska tuurnimo ah oo ay Maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay Maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah ayagoo goobta uga cararay meydadka in ka badan 20 Dhagar qabe.

Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Ciidamada Dowlada ee….
Next articleItoobiya oo si rasmi ah u shaacisay inay buuxisay biyo-xireenka webiga Nile oo Masar iyo itoobiya Xiisad Culus ka Abuuray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here