Home Wararka Somaliya Puntland Wararkii ugu Danbeeyey Dil argagaxleh oo Gaalkacyo loogu Gaystay Dr. Sakariye Cabdi...

Wararkii ugu Danbeeyey Dil argagaxleh oo Gaalkacyo loogu Gaystay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac

0

Rag hubeysan ayaa Caawa dil iyo dhaawac u geystay dhaqaatiir ku sugneyd xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo

Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa la dilay Sidoo kale waxaa la dhaawacay gabar la shaqaynaysay ka dib markii rag hubeysan ay ugu galeen xarunta ay ka shaqeynayeen ee Al Xaramayn Pharmacy and Super Market.

Wararka ayaa sheegaya in ragga hubeysan ee weerarka geystay ay ka baxsadeen goobtaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkan inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu salka ku hayo aano qabiil oo u dhexeysa labo beelood.

Dr Sakariye oo La dilay Ayaa Kasoo jeeday Beesha Majeerteen Gaar ahaan Reer Mahad Waxaana La Dheegay inay ka Danbeeyeen Dilkiisa Beesha Baciidyahan.

Raga Dilka Gaystay Ayaa Waxaa Duubtay Kaamirada Qarsoon oo ku Xirnayd Hospitaalka lagu Dilay Taas oo Sahashay in Durbaba la Aqoonsado.

Ma jiro ilaa War ka soo baxay laamaha amaanka labada maamul ee ka jira magaalada Gaalkacyo, iyadoo dilkan uu ku soo beegmay xili sanadihii u dambeeyey ay magaaladaas ka nasatay dagaalo iyo dilal muddo badan ka socday ka dib heshiisyo ay gaareen beelaha iyo maamulada labada qeybood ee magaalada.

Ad
Previous articleSanbaloolshe oo Wacad ku maray inay Xasan Tuure usoo aari Doonaan
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus oo Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Saldhiga Ciidamada Dowlada ee….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here