Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Shalay laga...

Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Deegaanka Ceel lahelay oo Shalay laga Qabsaday

0

Wararka ka imanaaya Degaanka Ceel lahelay aya Sheegaaya in Alshabaab Weerar Culus Xalay Saqdhex Kusoo Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay oo Shalay laga qabsaday.

Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil Ku Sugan Ceel lahelay ayaa Mudug24 u Xaqiijiyay inay iska Caabiyeen Dagaalka Alshabaab kusoo Qaadeen Ceel lahelay.

Sidoo kale Diyaarado Dagaal ayaa Markii Danbe kusoo Biiray Dagaalka Taas oo sababtay in Alshabaab Dib ugu laabtaan Halka Ay ka Yimaadeen.

Dowlada Soomaaliya ayaana Xaqiijisay ina Dagaalkaas lagu Dilay

Dowlada ayaana Qoraalkaan Goordhow Soo Saartay;

Howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera kana dhacey tuulada Shabaax oo ku dhow Ceelgaras ayaa lagu dilay horjooge Olol Cali Guuleed iyo afar dhaqargabe oo ilaalo u aheyd.

Horjoogaha la dilay ayaa madax u ahaa kooxda jabhaddaha ee ku dhuumaaleysata aaga u dhexeeya Ceelbuur ilaa Ceelgaras, kuwaa oo geysta weerarada arbushaada ah.

 

Ad
Previous articleQoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa oo khilaaf Xoogan ka Dhex Qarxay Xili Galmudug Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab Kasocdo
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaanka Nuur Dugle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here