Home Wararka Maanta Alshabaab oo War Kasoo Saartay Wadahadaladii lasheegay inay Dowlada Soomaaliya Ka Dalbadeen

Alshabaab oo War Kasoo Saartay Wadahadaladii lasheegay inay Dowlada Soomaaliya Ka Dalbadeen

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

Wasiir ku-xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa yiri “Maanta ayaga ayaa wada-hadal ku jira, anaga waxay naga taagan tahay in Soomaaliya laga ciribtiro wax la yiraahdo argagixiso oo go’aankeeda uu qaatay madaxweynaha, golaha fulintana ay ku shaqeynayaan.” 

“Ayaga (Al-Shabaab) ayaa soo codsaday wada-hadal. Khawaarijta waa laba nooc, kuwa waa ajaanib, noocna waa kuwa dalkaan u dhashay oo ayaga fursad waa leeyihiin, laakiin kuwa duulaanka ku yimid dalkaan wax wada-hadal majiro ee waa in dalka iskaga tagaan,” ayuu yiri wasiirka.

Hase yeeshee sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa warbaahinta kooxda u sheegay in arrintan aysan sal iyo raad toona lahayn, oo aysan jirin wax wadahal ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo dowladda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Sarkaalkan, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab, balse aan magaciisa la shaacin, ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurta-galnimada wadahadal dhexmara Al-Shabaab iyo Villa Somalia. 

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalkan ku hogaaminaya dalka ayaa hore u sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab, hase yeeshe ay albaabada u fureyso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

“Dowladdu waxay albaabada u furaysa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah. Dowladdu waxay ku wajaheysa (Shabaab) saddex siyaabood oo kala ah mid millateri, mid fikir iyo mid dhaqaale.” ayuu xiligaas yiri madaxweynaha.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleArday Fasalka ku Dhex toogtay Macalimadiisa Dalka Mareykanka
Next articleP.M Xamze Cabdi Barre oo Digniin Adag u Diray Maamulka Soomaaliland ee Weeraray Laasacaanood