Home Wararka Maanta P.M Xamze Cabdi Barre oo Digniin Adag u Diray Maamulka...

P.M Xamze Cabdi Barre oo Digniin Adag u Diray Maamulka Soomaaliland ee Weeraray Laasacaanood

0

Ra’iisul wasaaraha Soomalaiya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xabad lala dhaco dadka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aysan jirin cid laga aqbali karo inay baneysato dhiigga shacabka. “Dadka Soomaaliyeed ee Laascaanood degan iyo maamulka Somaliland, waxaan u soo jeedinayaa inay wadahadlaan oo qoriga afkiisa laga weeciyo xaaladda,” ayuu yiri Xamza

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa aad u amaanay waxgaradka Somaliland oo dalbaday in la joojiyo rasaaseynta shacabka, kuwaas oo ku kala nool dhamaan magaalooyinka Somaliland.

“Waan daawanay culumada, waxgaradka iyo salaadiinta Somaliland ee dalbaday in la joojiyo waxa dhacaya, waan u mahad celinayaa runtii, sideedana colaad dad ayaan nooga dhimanaya ee deegaanka nabad halagu soo dabaalo, wixii la kala tabanayana wadahadal halagu dhameeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Laascaanood waxaa ka taagan xiisad salka ku heysa maamulka, waxayna shacabkii magaaladaas ka hor yimaadeen in Somaliland ay sii maamusho.

Banaanbaxyo rabashado wata ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka socday magaalada, waxaana geeriyooday dad badan oo ciidanka Somaliland ay toogteen.

Xiisadaan ayaa ka kacday dilal loo geystay dadkii haldoorka ahaa ee magaaladaas ku noolaa, waxaana la garan waayey cidda geysata dilalka, taas oo sababtay in shacabku ay iska diidaan ka sii mid ahaashaha xukunka Somaliland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo War Kasoo Saartay Wadahadaladii lasheegay inay Dowlada Soomaaliya Ka Dalbadeen
Next articleWararkii U Dambeeyay Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here