Kooxda Al-Shabaab oo war soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay weerar ay saaka dagaalyahanadeeda ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Cowswayne oo 20 KM u jira magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkan kula wareegtay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka.
Sidoo kale warbaahinta qaranka ayaa intaasi kusii dartay in la fashiliyay gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay ciidamadu ka war heleen xogta weerarkaasi.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhamaystirka hawlgalka.”