Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaliya oo ka hadlay Dagaalkii Soomaliland looga Saaray Goojacade

Baarlamaanka Soomaliya oo ka hadlay Dagaalkii Soomaliland looga Saaray Goojacade

0

Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood, kaas oo lagu jabiyay ciidamada milatariga Somaliland.

Xildhibaanka oo hadal siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaartay SSC-Khaatuma, wuxuuna u diray hambalyo ku aadan guusha dagaalkii shalay.

Cabdi Qowdhan ayaa tilmaamay in maamulka cusub ee SSC uu cagta saaray waddadii horumarka, isla-markaana uu durbo soo ceshaday xuduudihiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka halkaa ka dhisay ee SSC-Khaatuma waxaan idin leeyahay hambalyo muddo yarbaa dhisneydeen waxaa alle idin ku guuleeyay in aad dhammaan xuduudihiinii aad hanataan, mas’uuliyad adag ayaa idin taal allahana idinku guuleeyo” ayuu yiri Qowdhan.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in Somaliland ay tacaddiyo ka geystay Laascaanood, balse ugu dambeyntee shalay iyadaga khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaalka.

“Meeshaa waxaa ka dhacay in maamulkii tacaddiga ku haayay laga guuleystay agabkoodii milatariga la burburiyay, maxaabiis badana laga qabtay” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay garab istaago maamulka iyo shacabka SSC-Khaatuma ee la dagaalamaya Somaliland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo War kasoo Saartay Dagaalkii ay ku Qaadeen Cowswayne
Next articleShiikh Shariif oo Dowlada Xasan Shiikh Ka Dalbaday Baaritaan Deg deg ah Wixii Ka Dhacay Shalay Cowswayne oo Wali Xasan Shiikh ka aamusanyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here