Home Wararka Maanta Alshabaab oo Soo Bandhigay Baaburtiibay ay Ka Qaateen Degmada Kaxda(Sawiro)

Alshabaab oo Soo Bandhigay Baaburtiibay ay Ka Qaateen Degmada Kaxda(Sawiro)

0

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weeraradii abaabulnaa ee ay labo habeen ka hor ku qaadeen xeryaha ciidanka DFS ee degmooyinka Kaxda iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo labo ka mid ay yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarada, halka labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid la soo weriyay inay ku dhaawacmeen.

Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa wareysi uu bixiyey shaley ku sheegay in weeraradii ay ka geysteen Kaxda iyo Yaaqshiid ay qeyb ka ahaayeen weerarada lagu beegsanayo ciidanka dowlada, isagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan weeraradaas.

Ad
Previous articleFahad Yaasiin Iyo Faarax Cabdul Qaadir oo doorasho Adag ku dhex Mareyso Baladweyne
Next articleCali guudlaawe oo Magacaabay Gudi Soo baara Dilkii Taliyii Saldhiga Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here