Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda.
Labadan nin ayaa iska soo dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.
Magacyada raggan ayaa waxaa lagu kala sheegay Xasan Macalin Aweys oo magaciisa afgarashadu yahay (Jindullaah) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna loo yaqaan (Jabal), kuwaas oo ah wiilal dhalinyaro ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ka soo laabteen waddadii khaldaneed ee ay raaceen, sida ay ku sheegeen wareysiyo muuqaal ah oo ay ka qaaday warbaahinta qaranka.
Dhanka kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhalinyaradan lasoo dhaweeyay, isla-markaana ay mari doonaan habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda dalka.