Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Maantay lagala Wareegay Magaalo muhiim u ahayd ee Gobalka Sh.Dhexe

Alshabaab oo Maantay lagala Wareegay Magaalo muhiim u ahayd ee Gobalka Sh.Dhexe

0

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelllaha Dhexe.

Deegaanka ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku sugnaa kooxda Al-Shabaab, ayada oo maalmihii la soo dhaafayna laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee howl-galka hogaaminayay ayaa dhankooda sheegay inay si nabad-gelyo ah kula wareegeen Ceelbaraf, kadib markii ay isaga baxeen xubnihii Shabaabka ahaa ee ku sugna

“Markii aan tagnay Ceelbaraf waxaa ku aragnay duruufo badan oo heysta bulshada deegaanka oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ay maamulayeen nimanka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Kabtan Abuukar Axmed Cabdulle (Taqile) oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka.

Howl-galada ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanka Miirtaqwo oo u dhow Ceelbaraf lagu soo bandhigay ciidamo deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo sheegay inay diyaar u yihiin la-dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.

Si kastaba, Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri-geliyo ciidamada.

Ad
Previous articleAabbe gabadhiisa ku casuumay inay goobjoog ka noqoto maalinta Talaada oo lagu fulinayo xukunka dil ah
Next articleGalmudug oo go’aan adag ka soo saartay Odayaal Cadaado ka tagay oo galay Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here