Home Wararka Maanta Alshabaab oo dib ula Wareegay Camaara iyo Bacaadweyn ee gobalka Mudug

Alshabaab oo dib ula Wareegay Camaara iyo Bacaadweyn ee gobalka Mudug

0

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo warbaahnta qaar ay la hadashay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara, waxaana taliska ciidanka Soomaaliya uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 90 maleeshiyo oo Shabaab ah.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in fuliyeen duqeyntaas.

Ad
Previous articleGaari ay Saarnaayeen Ciyaartoy Galmudug ah oo Shil ku galay Gobolka Galgaduud
Next articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo ka baxay Deegaano ay dhawaan qabsadeen