Dowlada Somalia ayaa shaacisay iney howgalo kala duwan ku qaarajisay 20 ka tirsan saraakiisha Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta Dhaqaalaha iyo wax ay ugu yeeraan Sakawaatka.
War-saxaafadeed ka soo baxay DF ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay oo lala wareegay 15 gaari oo Al-shabaab u adeegsan jireen ururinta dhaqaalaha.
DF waxay sheegtay iney ugaarsaneyso shaqsiyaad weli ku howlan kala gudbinta iyo ururinta dhaqaalaha laga qaado ganacsatada iyo dad kale ee Soomaaliyeed.
Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowlada Somalia C/raxmaan Al-Cadaala ayaa saaka sheegay in la curyaamiyey %50 dhaqaalihii kooxda Al-shabaab qaadi jireen dadka ayna haatan kooxdaas ku jirto marxalad adag, isagoo xusay in DF sii wadi doonto curyaaminta dhaqaalaha kooxdaas.



