Home Wararka Maanta Al Shabaab oo weeraro ka fuliyay deegaano kuyaalla Gudaha Dalka Kenya

Al Shabaab oo weeraro ka fuliyay deegaano kuyaalla Gudaha Dalka Kenya

0

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahano katirsan kooxdaasi ay weeraro ka fuliyeen gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen saldhig ciidamada booliiska Kenya kaga sugnaayeen deegaanka Ceel-Qaallow ee hoostaga Mandheera kuna yaalla xadka Soomaaliya.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu qaaday ciidanka Kenya uu ku dhaawacmay askari katirsanaa ciidankaasi, mana sheegin dhinacooda Al Shabaab khasaaraha kasoo gaaray weerarkan.

Dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Kenya oo marayay deegaannada Fiinow iyo Sheekh Barroow oo hoostaga Mandheera.

Weerarkan lama sheegin khasaaraha ka dhashay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo dowladda Kenya kasoo saartay labadan weerar ee ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay deegaano hoostaga magaalada Bandheera ee gobolka Waqooyi Bari.

 

 

Ad
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya Oo Maantay Markale Safar Dibada ah Ubaxaya
Next articleKhasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh oo Ka Dhashay Qarax ka dhacay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here