Home Wararka Maanta Akhriso Taariikh nololeedka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

Akhriso Taariikh nololeedka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed

0

 

Taariikh nololeedkii Madaxweyne Cali Mahdi Alle ha u naxariistee.

Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, wuxuu ku dhashay tuulada Caddoow-uul oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sannadkii markuu ahaa 1938. Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu wax ku bartay iskuullaadkii Xamar ka jiray, Madaxweyne Cali Mahdi 1959 ayaa Qaahira ee dalka Masar u aaday waxbarasho.

Madaxweyne marxuum Cali Mahdi wuxuu fursad u yeeshay in uu xubin ka noqdo Barlamaankii Somaaliya sanadkii 1969, asagoo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee xubin ka noqda golaha Barlamaanka Soomaliyeed.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu dib ugu laabtay shaqadiisi wasaaradda Caafimaadka, halkaas u ku gaaray jago Agaasime Guud. Sanadku markuu ahaa 1977 Cali Mahdi wuxuu ka ruqseeystay shaqadii Dawladda wuxuuna u wareegay ganacsi.

Madaxweyne Cali Mahdi muddadii u dhaxeysey sanadihii 1977-1990 wuxuu noqday nin lagu tiriyo ganacsatada ugu waa weyn ee dalka.

Sanadahii siddeetamaadkii Madaxweyne Cali Mahdi iyo aqoonyahanno Soomaliyeed ayaa asaasay urur odoyaal ah “Manifesto” oo waraaq lagu codsanaayo in wax looga bedelo siyaasadda Soomaliyeed u diray madaxweeynihii wadanka ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre.

Kadib burburkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, sanadkii 1991, ayaa Cali Mahdi loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Mahdi Maxamed noqdo madaxweynihii 4-aad ee Soomaliya, xafiiska intii uu joogay waxay aheyd
Jannaayo, 1991 ilaa Juun, 1995.

Muddo gaaban kadib waxaa bilowday dagaal sokeeye oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Mahdi wuxuu xilkii madaxweynenimada ku wareejiyey shirkii ka dhacay magaalada Carta ee wadanka Jabuuti sanadka markuu ahaa 2000.

Madaxweyne Cali Mahdi sanadkii 2007 wuxuu abaabulay shir nabadeed belaha Somaaliyeed la isugu keenay. waxaa jiro waxyaabo badan oo lagu xusuusan doono Alle u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi oo caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

‎“إنا لله وإنا إليه راجعون”

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleDEG DEG Madaxweyne Cali Mahadi oo geeriyooday
Next articleMadaxdii Hore ee Dalka oo ka Hadlay Geeridii Cali Mahdi