Home Wararka Maanta AKHRISO 4ta Sarkaal ee kasoo Hormuuqday Maxakamada Gobalka Banaadir ee ku eedaysan...

AKHRISO 4ta Sarkaal ee kasoo Hormuuqday Maxakamada Gobalka Banaadir ee ku eedaysan Xatooyo Xoolo Dadwayne

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka bilaabatay maxkamadeynta mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo loo haysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq-maasuq.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiskan qaadeysa ayaa waxaa saaka la horgeeyay 4 mas’uul oo ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda kuwaas oo kala ah:-

1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Eedaha loo haysto mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.

Dacwaddan waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ku sugan isna hoolka maxkamadda.

Sidoo kale dacwadda oo hadda ka socota ayaa waxaa si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ku jirto warbaahinta dowladda.

Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Degaanka Ceelasha Biyaha
Next articleDibad Baxayaal Caraysan oo Xoog Kugalay Safaarada ee Swedan Ku leedahay Dalka….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here