Home Wararka Maanta Agaasimaha SNTV oo dhaawaciisu cuslaaday Loona qaaday Wadanka Turkiga {Sawiro}

Agaasimaha SNTV oo dhaawaciisu cuslaaday Loona qaaday Wadanka Turkiga {Sawiro}

0

Dhaawaca Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame ayaa diyaarad gaar ah oo kuwa cafimaadka ah loogu qaaday dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ka sagootiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaasha Waaxyaha, masuuliyiin kale, Xildhibaanno iyo waalidiinta Agaasime Sharmaarke.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geystay sidii loogu heli lahaa caafimaad dibadda ah.

Wasiirka dekadaha Galmudug Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhankiisa sidoo kale u mahaceliyay mas’uuliyiinta gacanta ka geystay in dibadda loo qaado, waxaana uu cafimaad taam ah u rajeeyay agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame ayaa ku dhaawacmay qarax Alshabaab ay  la beegsadeen gaari ay la socdeen Agaasimihii Radio Muqdisho Alle ha u naxariiste Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo qaraxa ku dhintay waxaa sido kale ku dhaawacmay Cabduqaadir Cabdullaahi Nuur oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Ad
Previous articleMaxaad ka taqaanaa Labada Kursi ee maanta lagu doortay Dhuusamareeb ?
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo amray in Lacagaha laga jaro Wasiirada Xukuumadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here