Home Wararka Maanta Abwaankii Ilaahay ku baryay maansada iyo jawaabtii rasmiga ahayd ee uu rabbigiis...

Abwaankii Ilaahay ku baryay maansada iyo jawaabtii rasmiga ahayd ee uu rabbigiis ka helay

0

Soomaalidu waxa ay inta badan dareenka sheekooyinkooda ku cabbiraan suugaan kala duwan, aabbaha ama hoggaanka suugaanta ayaana lagu sifeeyaa gabayga.

Gabaygu waa maanso ama qayb ka mid ah suugaanta Af Soomaaliga ama kan ugu caansan suugaanta Soomaalida.

Nolosha Soomaalida oo ku salaysan miyiga ayuu gabaygu u yahay sida ugu habboon ee warka ama dhacdooyinka lagu gudbiyo.

Gabayada waxaa ugu badnaa galbeedka oo iyagu leh abwaannadii ugu badnaa sida, Sayid Maxamed Cabdullahe Xasan, Qamaan Bulxan, Weerar Bulxan, Rage Ugaas, Wiil waal, Farax Caytame, Dhoodaan, Shay waal, Sangub, Cabdiqaadir stanza, Sugaal iyo kuwa kale oo badan.

Hal abuurrada Soomaaliyeed waxa ay suugaanta ku cabbiraan waxyaabo iyaga khuseeya, kuwo ay dad kale ama qisooyin kale ka sameeyeen iyo dhacdooyin kale oo markaasi taagan ama taariikh ah.

Suugaan-yahannada qaar ayaa marka ay xaalado la soo gudboonaadaan Ilaahay ku barya oo ku kaalma waydiista.

Abwaan Axmed Cali Axmed (Cantar) oo ah abwaan ku nool magaalada Hargeysa ayaa hadaba suugaan uu Ilaahay ku talo saartay Rabbi ka aqbalay.

Waxa uu abwaanku sheegay in uu helay wixii uu Eebb ka baryay isaga oo suugaantiisa iyo hibadiisa gaarka ah ku Alle baryey.

Xilliga maansada uu tiriyay abwaanka ayaa ahayd sanadkii 2017-kii, isagoo xilligaas ahaa doob guurdoon ah, sida uu BBC-da u sheegay.

“Waxa aan maansada tiriyay xilli habeen ah aniga oo naftayda la faqaya, waxa aan is weydiiyay tolow caawa haddii lagu dhihi lahaa gabadha aad dooneyso waad heleysaaye sheego, bal maxaa kuu mihiim ah ee aad ku doorataa”.

Abwaan Axmed Cantar waxa uu sidoo kale sheegay in maansada uu tiriyay u uku duceystay in uu helo gabadhii uu jeclaan lahaa, halka uu sidoo kale ka ducaystay kuwa uusan dooneyn.

Maansada ayaa u dhacaysa sidatan:

Rabboow mid hankeedu noolyay

Haybteeduna tahay aqoonta

Mid aan dhal-dhalaal hodaynin

Hayaan ku jirtoo dadaasha

Taqaanna hirkay kasheedu

Hangoolka ku tiigsanayso

Oo aan hadba meel u haadin

Haab-haaban cirkoon is waayin

Kartida hal-adayg u dheeryay

Mid aan qurbe looga heesin

Shisheeye ka haybadaysan

Ku faanta dhulkeeda hooyo

Raggay u taqaan halyayga

Kuway hanaddada ku sheegto

Hadraawi u soo horreeyo

Oo Qays hal muceeddadiisa

Huryiyo heesaha jacaylka

Harwaarta gadhlee dalaysan

Dushaa ka higgaadinaysa

Murtida hagar laawe haysa

Taqaanna hal-doorradeeda…..

Maansada oo aad u dheer ayaa abwaanku waaxa uu xusay in qaybteeda dambe uu Ilaahay ka baryay in aysan kusoo beegmin haweeney aan lahayn astaamaha uu gabadh ku dooran lahaa, waxaana kamid ahaa erayadiisa:

Rabboow haygu soo hagaajin

Mid hawllan mid hiiftamaysa

Mid heellan mid ii hubaysan

Mid haadda midaan is haysan

Habaarka mid aan hambaysan

Mid aan i hareer istaagin

Tixdaydu halkaa ha joogto

Hor Eebbe hasoo rumowdo

Nasiibku masoo habsaamo

Jawaabtuna waa hadhawto

Abwaan Cantar ayaa sheegay in uu helay ugu dambeyn gabadh uu aad u jeclaa walibana uu ku degay, iyadoo ay uga dhigantahay in ducadiisii uu Ilaahay aqbalay maaddaama uu ka helay dhammaan astaamihii uu doonayay sida uu sheegay.

Abwaan Axmed Cantar waxa uu xusay in uu rajeynayo in uu markale curiyo maanso uu Ilaahay ugu mahad naqayo.

“Xujada ugu badan ee i haysata ayaa ah, maaddaama uu Ilaahay ii aqbalay ducadaydii, waxaa beryahanba i hor taagan in aan sameeyo maansadii jawaabta ahayd ee aan Ilaahay ugu mahdinayay.

Abwaan Cantar waxa uu kamid yahay hal abuurrada ugu caansan Soomaalida, isaga oo curiyay heeso caan ka ah gayiga Soomaalida oo ay ku luuqeeyaan fanaaniin ay kamid yihiin, Cawaale Aadan, Iskalaaji, Guuleed Simba, iyo fannaaniin kale.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleXasan Cabdiqaadir Ibraahim oo la Dilay iyo Ragii Dilay oo lasoo Qabtay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo markii saddexaad isku arkaya shir caalami ah