Home Wararka Caalamka Abiya axmed Oo Kh Dhawaaqay War ka Farxiyay Ciidmada Tigreey

Abiya axmed Oo Kh Dhawaaqay War ka Farxiyay Ciidmada Tigreey

0

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay wadaxaajood xabbad-joojin dowladdiisa la furi doonto ciidamada kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhawaad 15 bilood Sida uu wakaaladda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbojoog ah oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa Talaadadii ku tilmaamay qaabkii kulan shanta saacadood qaatay oo Sabtidii uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha ” rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo dagaalka’, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.

Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri doonaan wadaxaajooyo uu ku tilmaamay kuwa macquul ah oo ‘ilaalin doona danta guud’ ee qaranka.

Ma jiro wax hadal ah oo markiiba kasoo baxay afhayeenka Abiy, Billene Seyoum, ama afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ku saabsan warbixinta Mesfin Tegenu ee ah in Ra’isul Wasaare Abiy diyaar u yahay wadahadal uu la galo TPLF.

Qiyaastii tobannaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka Itoobiya, malaayiin kalena waa ay ku barakaceen, iyadoo ilaa 6 milyan oo qof oo Tigray ah ayaa weli ku jira go’doomin dowladda.

Ad
Previous articleSiyaasiyiin Kasoo Jeeda Baladwayne oo uu Ku jiro Wasiirka Arimaha Gudaha aya Kasoo horjeestay Ciidamadi lageyey Baladweyne
Next articleSafiya Karaani ayaa Goor Dhawayd lagu Toogtay Meel aan Ka Fogayn Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here