Home Wararka Maanta Abiya Axmed oo Baarlamaankiisa Ka Hor Sheegay inuusan Badda Soomaaliya Ka Laaban...

Abiya Axmed oo Baarlamaankiisa Ka Hor Sheegay inuusan Badda Soomaaliya Ka Laaban Doonin

0

RW Itoobiya Abiy Axmed oo kahor hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa soo qaaday qodobka la xariira arrinta Badda iyo damaca Itoobiyaanka, wuxuuna sheegay in ay waqti dheer Itoobiya galisay sidii ay marin biyood ku heli lahayd, wuxuu kuceliyey in ay qasab tahay in dalkiisa uu helo Badda Cas, qeyb kamid ah.

Somaliland ayuu sheegay in ay noqotay cida u horeysa ee kasoo jawaabtay dalabkooda, oo ay sidaas ula galeen Is Afgaradkii u dambeeyey, isagoo sheegay in ay Soomaaliya aad dhaqaale ugu bixisay sidii loo burburin lahaa MOU-ga, taas oo sheegay in laga maarmi karay oo ay ahayd in madaxda Soomaalida ay lahadlaan Madaxda Itoobiya, halkii ay cid gacan sadexaad ah mari lahaayeen.

Abiy ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Badda, isagoo tilmaamay in ay jid kasta u marayaan, horey ayuu tilmaamay in ay abaal badan ugu leeyihiin dawladda Soomaaliya, gaar ahaana wuxuu sheegay in ay dhiiga u hureen mudo badan.

Hadaljeedinta RW Itoobiya, kuma soo qaadin waqtiga hirgalinta MOU-gii uu lasaxiixday Muuse Biixi iyo wada hadalkii u danbeeyey ee Turkiga ka dhacayba.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo farriin culus ka soo diray furimaha dagaalka
Next articleNasra oo muddo Ka Badan Bil la weysnaa iyo meydkeeda oo laga dhex helay hawd iyada oo uu ag yaallo jeeg caano ay ku sidday