Home Wararka Maanta Abiy Axmed oo ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa in ay bartaan luqadda Carabiga...

Abiy Axmed oo ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa in ay bartaan luqadda Carabiga Sababtana Shaaciyay

0
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa inay bartaan luqadda Carabiga, taas oo uu sheegay inuu dalban doono in lagu dhigo dugsiyada dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena rajo ka muujiyay in Itoobiya ay ku biirto ururka Jaamacadda Carabta “maxaa yeelay way ka faa’iidi doontaa” ayuu yiri .

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray kulan uu la qaatay madaxda Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, wuxuu yiri, “In Muslimiinta Itoobiya laga dhigo, in ay yihiin muwaadiniin dabaqad labaad ah waa arrin duugoowday.” isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay u aragto dhammaan dadka Itoobiyaanka ah in ay yihiin muwaadiniin leh xuquuq siman. iyo waajibaadka, iyada oon loo eegin diintooda.

Waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku sii socoto wadadii dib u habeynta ee dowlad cilmaani ah, iyada oo diimaha oo dhan ay iskugu mid yihiin, isla markaana siinaysa xuquuqdooda,

Waxa uu tilmaamay in dowladiisu ay aqoonsan tahay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka, isla markaana ogolaatay furitaanka. Bangiyada Islaamiga ah, iyagoo u tixgelinaya in ay tahay “xuquuq ay leeyihiin bulshada Muslimiinta ah ee Itoobiya, mana aha ibuu yiri nay noqoto in loogu mahadceliyo.”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCodad ay duubeen ragga saaran markabka u afduuban burcadda oo soo gaaray warbaahinta iyo wixii ay arkeen
Next articleShiikh Shariif oo Hogaaminaayo koox Xildhibaano ah oo Garowe Gaaray