Home Wararka Maanta Codad ay duubeen ragga saaran markabka u afduuban burcadda oo soo gaaray...

Codad ay duubeen ragga saaran markabka u afduuban burcadda oo soo gaaray warbaahinta iyo wixii ay arkeen

0

Markii ay doon xawaareneysa oo ay saran yihiin rag hubaysan oo burcad-badeed Soomaali ah ay soo gaartay markabkooda, oo raggii hubaysanaa ay u soo daateen gudaha markabka, ayaa waxaa markiiba farriin digniin culus ah diray shaqaalihii markabka iyaga oo sameeyay wicitaanka diritada ah ee loogu talagalay marka xaaladaha degdeg ah ee khatarta ah soo kordhaan.

Balse cid ka soo gaartay markiiba oo u gargaartay ma jirin shaqaalaha. Ragii burcadda ahaa ee soo koray markabka ayaa riday xabado cabsi galin iyo digniin ah, iyaga oo kabtankii iyo ku xigeenkiisa maxbuus ah u qabtay, xogtaas ayaa waxaan ka helnay cod uu soo duubay sarkaal sare oo markabka saaran.

“Mahadda ilaaheey, cidina ilaa iyo hadda wax ma noqon,” ayaa ka mid ahayd codkii uu soo duubay sarkaalku. Codkaas ayaa waxaa la wadaagay wakaaladda wararka Reuters shirkadda iska leh markabka.

Todobaad ka dib markii ay waxaasi dhceen ayaa markabka MV Abdullah waxaa lala aaday xeebaha Soomaaliya, isaga oo noqday dhibanihii ugu dambeeyay ee lagu afduubta falalka dib u soo laabashada burcad-badeeda Soomaaliya, taas oo ay ciidamada badaha ee caalamiga u maleynayeen in ay xal waara ka gaareen.

Sida ay shidaal ugu shubtay arrintaan xiisadii badda ka taagneed

Falalkaan burcad Badeeda Soomaalida ah ay ku kacayaan waxaa uu halis iyo qarash sii galinayaa shirkadaha iska leh maraakiibta caalamiga ah oo awalba la dhibanaa gantaalo ay ku garaacayeen kooxda Xuutiyiinta ee Yeman, kuwaas oo looga kala tagay isticmaalka badda cas iyo biyaha kale oo u dhawba.

In ka badan 20 jeer oo ay iskuday afduub sameeyeen burcaddu ayaa waxay keenta in uu sare u kaco dhaqaalahii ku bixi jiray amniga iyo sidoo canshuuraha ay ku jiraan maraakiibtu, maadaama aad uga walwalsan yihiin in ay madax furasho bixin doonaan, sidaas ayaa waxaa laga soo xigtay ilaa shan shirkadood oo markiib iska leh.

Waxaa la sheegay in sababta burcad badeedu u soo laabteen ay tahay, in ay heleen fursad ay ku sameeyaan falalkooda, maadaama ciidamadii ku hawlanaan jiray ay hadda ku sii jeesteen xoogaga Xuutiyiinta kuwaas oo duqaymo ka gaysanaya meel dhawr mayl u jirta halkii ay ka hawlgali jireen.

In kasta oo khatartu aysan hadda la mid ahayn midii jirtay sanadihii 2008 dii iyo 2014 kii, hadana maamulka gobolka iyo shirkadaha markableyda ayaa waxay walaac ka qabaan in xaalku sii xumaada.

“Hadii aynaan hadda qaban in ay dharabta ku jirto, waxay gaari doontaa heerkii ay horay u joogi jirtay oo kale,” Sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Ruoters u sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud muddo bil ka hor ah.

Todobaad ka hor ciidamada Hindiya ayaa weerar ku qaaday kooxdii buracadda ahayd ee heystay markabkii MV Ruen ee ku socday calanka waddanka Malta, xilli uu dul sabaynayay badweynta Hindiya.

Hawlgalka burcad la dagaalanka ee midowga Yurub EUNAVFOR Atalanta ayaa sheegay in burcaddu doonayeen in ay Markab kale ku soo dabtaan kan horay ugu afduubnaa ee MV Ruen.

Ciidamadda ee Hindiya ayaa sheegay in guud ahaan kooxda oo ka koobneed 35 nin ay is dhiibeen, 17 qof oo ay afduub u haysteena la soo badbaadiyay iyaga oo aan waxaba qabin.

Cyrus Mody, oo ah ku xigeen agaasimaha laanta ka hortagga dambiyada ee hubaysan ee Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ayaa sheegay, in maraakiibta dagaal ee ay badaha soo dhoobeen ciidamada Hindiya ay ka hortagga fiican u noqon karto saameynta burcadda.

“Faragalintaan waxay tusineysaa burcadda in waxa ay raadinayaan ay ka halis badan tahay waxa ay la kulmi karaan, taasin sida aan rajeynayo waxay ku qasbi doontaa in ay dib u fekeraan,” ayuu yiri Mody.

Balse dhanka kale, dawladda Bangladesh ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters “In aysan doonayn in wax hawlgal miltari ah ay ku soo furtaan markabka Abdullah”.

Masuulka hadlay oo codsaday inaan magaciisa la baahin, ayaa sheegay in burcaddu mar walba gacan sareeyaan marka ay ka hawlgalayaan meel u dhow biyaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Mareykanka oo war kasoo saaray wadahadalladii xabbad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas
Next articleAbiy Axmed oo ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa in ay bartaan luqadda Carabiga Sababtana Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here