Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Hogaaminaayo koox Xildhibaano ah oo Garowe Gaaray

Shiikh Shariif oo Hogaaminaayo koox Xildhibaano ah oo Garowe Gaaray

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Shariif ayaa waxaa kamid ah xildhibaano, waxayna halkaasi kaga qeyb galayaan shir wada-tashi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan arrinta dastuurka oo xiisad xooggan ka taagan tahay.

Sheekh Shariif oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladavMuqdisho ayaa sheegay in uu dalka ku socdo waddo khaldan, isaga oo baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku eedeeyay inuu wado wax ka daran wixii ay horey uga diideen Farmaajo

Safarka Shariif ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay ka taagan tahay dood badan, uuna Garoowe ku sugan yahay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif iyo Farmaajo ayaa qorshahooda yahay sidii Saciid Deni oo miisaan siyaasadeed leh ugu soo dari lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Saddexda nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Si kastaba, socdaalka ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku tageen Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad
Previous articleAbiy Axmed oo ugu baaqay muwaadiniinta dalkiisa in ay bartaan luqadda Carabiga Sababtana Shaaciyay
Next articleMaxaabiis Badan oo Xabsiga Dhexe laga sii Daayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here