Home Wararka Maanta Aabe Cali Ismaaciil oo lagu Dilay Maraykanka iyo Booliska Wadankaas oo War...

Aabe Cali Ismaaciil oo lagu Dilay Maraykanka iyo Booliska Wadankaas oo War kasoo saaray

0

Marxuum Cali Ismaaciil oo 36 jir Soomaali ah ah ayaa lagu dilay magaalladda Arlington ee Gobalka Texas ee dalkaasi, sida ay Boliska sheegeen.

Marxumka oo Aabe u ahaa 6 carruur ah waxa uu deganaa magaalladda Arlington.

Hadal ka soo baxay Boliska Maxaliga ayaa lagu sheegay in Labo dabley oo hubeysan dileen, ka hor intaysan baxsanin.

Toogashada waxay Waaberigii hore ee Talaadadii la soo dhaafay, Abaarihii 5:15 am ee Xilliga dalkaasi ka dhacday Waddada Prentice Street oo ku dhow Jidka South Collins Street ee isla magaalladdaasi.

Marxuumka waxa uu ku dhintay isla goobta ay Dableyda ku toogteen.

Saraakiisha Boliska markii ay tageen goobta, waxay arkeen Dhibane ay ku yaallaan rasaas oo ku dhex jira Gaarigiisa, kaasi oo la aqoonsaday inuu ahaa Marxum Cali Ismaaciil oo 36 jir ah.

Baarayaasha Boliska ku hawlan Kiiska Dilkiisa, waxay sheegeen in Marxumka lagu dhex toogtay Gaarigiisa, xilli uu Shaqadiiaa ka soo laabtay, kuna soo socday Gurigiisa.

Baarayaasha waxay Xuseen inay Marxuumka toogteen 2 Nin oo hubeysan, kuwaasi oo doonayey inay jabsadaan gaadiid yaallay barxadda ay dadka deriska dhigayaan Gaadiidkooda.

Labada Eedeyaane ee toogtay Muwaadinka Soomaalida waxaa la sheegay inay u carareen dhanka Bari ee Waddada Prentice Street.

Dhanka kale, Boliska waxay shalay oo Arbaco ahayd heleen Muuqaal Video Video ay duubtay Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV oo caddayn u ah qaabkii ay dableyda u jabsan lahaayeen Gaadiidka yaalla barxadda u gaarka ah dadka deriska.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleSweden oo Sheegtay in Gubista Quraanka ay halis ku tahay Amaanka iyo Danaha Dalka
Next articleDowlada Soomaaliya oo Markale Laasacanood ka Soo Daad Guraysay Dhaawacyo Farabadan(Sawiro)