Home Wararka Maanta Maxay tahay Halista Caafimaad ee ka Jirta Garoonka Aadan Cadde

Maxay tahay Halista Caafimaad ee ka Jirta Garoonka Aadan Cadde

0

Khubarada caafimaadka Covid-19 ee wasaaradda caafimaadka ayaa  ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan soo laba-kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Dr Fuje ayaa sheegay in halista xanuunkaan uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo Covid-19, si dadka uusan usaameyn.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro shaki laga qabo in dadka soo-galaya dalka ay wataan warqado been abuur ah oo muujinayo inuu qofka ka caafimaad qabo Covid-19 balse maalmo kooban kadib jirkooda laga helo xanuunka, sida uu hadalka u dhigay.

Tala bixiyaha caafimaadka Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dadkaasi xanuunka usii gudbayaan ehelladooda, islamarkaana ay sare u qaado kiisaska maalinlaha ee ay diiwan-geliso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

“Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” ayuu yiri Dr Fuje.

 

Ad