Hub ka yimaada Iran oo la sheegay inuu ku qul-qulaayo Soomaaliya.
Hay’adda lagu magacaabo Global Initiative ee qaabilsan la dagaalanka dambiyada caalamiga ah ee abaabulan ayaa maanta sheegtay in daraasad ay kusamaysay hubka laga keeno dalka Iran ee loo iib geeyo gudaha Soomaaliya.
Global Initiative ayaa sheegtay in ka badan 400 oo hub sharci darro ah laga diiwaan geliyey 13 goob oo ku kala yaal Soomaaliya muddo 8 bilood ah.
Hay’adda ayaa sheegtay in Hubkasa faraha badan ee ku socda Soomaaliya uu saameyn weyn ku yeelan karo amniga Puntland, iyo sidoo kale dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Itoobiya iyo Kenya.
Hoos ku dhufo Lingiga
An Iranian Fingerprint? Tracing Type 56-1 assault rifles in Somalia
Ad