Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Isniin ah nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh. .
Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka