Home Wararka Somaliya Galmudug Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Caawa ka jira Duleedka Gurceel

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Caawa ka jira Duleedka Gurceel

0

Sida ay  warbaainta u sheegeen dadka deegaanka waxaa laga qabsi qabaa in magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud ay ku dagaalamaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlusunna ka dib markii caawa ay ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug ay fariisimo ka samaysteen duleedka Guriceel oo ay ku suganyihiin ciidanka Ahlusunna ee dhawaan qabsaday.

Ciidamo uu hogaaminayo Gudoomiyaha degmadda Guriceel Aanas Cabdi Macalin oohoray ugu sugnaa deegaanka Odaale ayaa caawa maqribkii saldhig ka samaystay deegaanka lagu magacaabo Heraale oo ku yaalla duleedka magaaladda Guriceel sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhanka kale ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo horay ugu sugnaa degaanka lagu magacaabo Gowd Wiil oo dhanka waqooyi Bari Guriceel ugu beegan 15 km ayaa u ruuqaansaday dhanka magaaladda kuwaas oo haatan 7 KM deegaan u jira Guriceel saldhig ka samaystay, waxaana goobta ay dageen ku dhaw difaac ay leeyihiin ciidanka Ahlusunna ee horay u qabsaday magaaladda.

Dhanka kale Ciidanka Ahlusunna ee degmadda Guriceel gacanta ku haya ayaa caawa gudaha magaaladda kawada howl gallo ay ku baarayaan Gaadiidka Shacabka ay isticmalaan ee Magaaladda soo galaya iyo kuwa ka baxaya, lamana faahfaahin sababta keentay baaritaanadan Caawa.

Guddaha magaaladda ayaysan ka jirin wax dhaqdhaqaaqa waxaa iskaga barakacay dhamaan dadka Shacabka ee sugnaa magaaladda, waxaa sidoo kale xiran Goobaha Ganacsiga iyo Waxbarshadda sida ay xaqiijiyeen ilo xilkas ah.

Ad
Previous articleMasuul ka Tirsanaa Dowladda Mareykanka oo geeriyooday
Next articleWasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here