Taliyaha Cusub ee NISA bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe oo dhawaan R/W Rooble ayaa Muddo 4 Maalin ah ku sugan Muqdisho asigoona La wareegin Xilka Taliyaha Nabad sugida.
Bashiir Goobe ayaa xilka la wareegitaankiisa waxuu u xayiranyahay Khilaafka Farmaajo iyo rooble waxaana Farmaajo uu xilkaan u magacaabay Yaasiin Fareey Taliyaha Nabad sugida Gobalka Banaadir.
Afar maalin ka dib waxaa isha Lagu hayn doonaa Goorta uu xilka la wareegi doono Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe, waxaana Wararka qaar sheegayaan in Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur uu taliyaha Geen doono Xarunta Ciidamada NISA ee Habar qadiijo.
Khilaafka Madaxda Qaranka ayaa isha Lagu hayn doonaa Heerarka uu gaari doono iyo waxa is badali kara
Ad