Home Wararka Maanta Gudoomiye Mursal oo la saftay madaxweyne Farmaajo kana soo Horjeestay Magaacaabista Wasiirka...

Gudoomiye Mursal oo la saftay madaxweyne Farmaajo kana soo Horjeestay Magaacaabista Wasiirka Cusub

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in qaabka loo dhaariyay wasiirka cusub ee Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur aysan ahayn mid sharci ah.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Guddoomiye Mursal ayaa qoraalkiisa ku xusay qaabka ay ahayd in loo dhaariyo wasiirka cusub:

“Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,”

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu dhaariyay (Sawiro)
Next articleMaxaad kala socotaa Awooda ciidan ee Madaxweyne Farmaajo ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here