Home Wararka Somaliya Maxaad kala socotaa Awooda ciidan ee Madaxweyne Farmaajo ?

Maxaad kala socotaa Awooda ciidan ee Madaxweyne Farmaajo ?

0

 

Farmaajo, oo bishii April ku fashilmay isku day muddo kororsi, kadib markii awood ciidan lagu hor-istaagay, ayaa xubno ku dhow ay sheegeen inuu weli rumeysan yahay inuu awood ciidan wax ku maquunin karo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada dowladda federaalka ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaas oo kala ah ciidamada Gorgor ee militariga iyo Duufaan oo ka tirsan NISA.

Ciidanka Gorgor waa kuwa ay tababareen Turkiga, waxaana u badan dhallinyaro markii horeba uu Farmaajo musuq-maasuq iyo qabyaalad ugu diray tababarka. Si kastaba ciidankan ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah aysan raacsaneyn Farmaajo, waana qeybtii diiday xilligii muddo kororsiga inay u dagaalamaan Farmaajo.

Ciidanka labaad ee uu Farmaajo isku haleynayo waa ciidanka Duufaan, oo ah kuwa tiro ahaan aad u yar. Ciidanka waxay badankood yihiin kuwo uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxayna isugu jiraan dhallinyaro laga keenayo gobolka Gedo, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo markii dambe usoo goostay dowladda.

Xigasho Caasimada Online

Ad
Previous articleGudoomiye Mursal oo la saftay madaxweyne Farmaajo kana soo Horjeestay Magaacaabista Wasiirka Cusub
Next articleMaanta oo kale 9 sano ka hor (10 September 2012) waxaa La doortay Xasan Sheikh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here