Home Wararka Maanta Dalka Canada oo lagu Dhaawacay Dhalinyaro Somali oo goob ku sugnaa

Dalka Canada oo lagu Dhaawacay Dhalinyaro Somali oo goob ku sugnaa

0

Rag hubeysan ayaa Gudaha Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Soomaali kamid ah dadka qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi Canada.

Ragga hubeysan oo watay Gaari sida la sheegay ayaa rasaas waxaa ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana Saddex ruux oo dadkaasi kamid ahaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, hayeeshee mid kamid ah oo lagu magacaabi jiray Sahal Maxamed Sahal uu geeriyooday, halka labada kale oo Dumar ah dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Toronto.

Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa Wiilkiisa, balse waqtigiisa uu intaasi ku ekaa, isla markaana lagu Aasay Khabuuro ku yaal Magaalada Toronto ee dalka Canads.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha Amniga ee Magaalada Toronto ay wadaan baaritaano la xiriira dilka Wiilkiisa, hayeeshee aysan jirin ilaa iyo hadda xiriir ay la soo sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Canada.

Dalka Canada ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka sida joogtada ah loogu dilo Soomaalida, waxaana badanaa la sheegaa in Soomaalida dhexdooda ay is dilaan.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo sheegay in Ciidan u direen Dhanka Galmudug
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Saraakiil Amisom Ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here