Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa waxa uu sheegay in uusan isbadalin mowqifkooda ku aadan ka qaybgalka doorashada hadii aan lagu wareejin maamulida Gobalka Gedo .
Waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo arrimaha taagan ee masiiriga ah si dalka ay doorasho loo wada dhanyahay ay uga dhacdo.
Waxa uu sidoo kale raja kamuujiyay in shirka baydhaba kasocda ay wax wanaagsan kasoo baxaan madaama looga hadlaayo arimaha doorashooyinka , tan gobalka gedo iyo Arimaha Matalaada Soomaaliland ee Baarlamaanka.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad gobaleedka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an heshiis laga gaarin arrinta Gobolka gedo.