Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, August Hanning, ayaa Talaadadii la xiray, isaga oo lagu tuhunsan yahay basaasnimo iyo isku day khiyaano qaran, kiis loo arko inuu noqon karo mid ka mid ah jebinnadii ugu waaweynaa ee dhinaca sirdoonka ee dalkaas tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Federaalka Jarmalka ayaa sheegay in Hanning, oo madax ka ahaa hay’adda BND intii u dhaxeysay 1998 iyo 2005, lagu tuhunsan yahay inuu muddo dheer helayay xog iyo dokumiintiyo sir ah oo ka imanayay gudaha hay’adda.
Sida ay xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen, shaqsi lagu magacaabay Manfred D., oo xilal sare ka soo qabtay BND, ayaa la tuhunsan yahay inuu Hanning siiyay ku dhowaad 2,000 oo dokumiinti muddo ku dhow 12 sano ah, ilaa 2022.
Dokumiintiyadaas waxaa ka mid ahaa kuwo sir ah oo loogu talagalay in lagu wargeliyo hoggaanka sare ee BND ka hor shirar joogto ah oo ka dhici jiray xafiiska ra’iisul wasaaraha Jarmalka, kuwaas oo ay ka qeybgeli jireen saraakiil sare oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha ammaanka.
Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in Hanning uu xogtaas u adeegsan jiray shaqadiisa gaarka ah ee la-talinta, isla markaana ugu yaraan hal kiis uu xog sir ah uga diyaariyay qiimeyn loo gudbiyay shaqaale ka tirsan hay’ad sirdoon oo dal kale.
“Eedeysanaha Hanning waxaa si xooggan loogu tuhunsan yahay basaasnimo gaareysa heer khiyaano qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka xeer-ilaalinta.
Ilaa hadda lama shaacin hay’adda sirdoon ee ajnabiga ah ee uu la xiriiray ama dalka ay ka tirsan tahay.
Sarkaal sirdoon oo Jarmal ah oo la hadlay warbaahinta Politico, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira baaritaanka socda, ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonka Ruushka iyo Shiinaha aysan ku lug lahayn labada xiriir ee baaritaanku diiradda saarayo.
Manfred D., oo lagu sheegay inuu ahaa madaxii shaqaalaha Hanning, ayaa markii dambe sii joogay gudaha BND, isagoo madax xafiis u ahaa dhowr madaxweyne oo hay’adda hoggaamiyay intii u dhaxeysay Maarso 2012 iyo Maarso 2026, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha.
Waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta “kaalmeynta iyo fududeynta isku day khiyaano qaran iyo basaasnimo loogu adeegayo quwad shisheeye”.
Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in Hanning uu sanado badan “xiriir aad u xooggan” la lahaa qof kale oo ka tirsan hay’ad sirdoon oo ajnabi ah, kaas oo uu siin jiray xog siyaasadeed, iyadoo qaar ka mid ah xogtaas lagu saleynayay dokumiintiyada uu ka helay Manfred D.
Kiiska ayaa hadda dhalinaya su’aalo culus oo ku saabsan sida xog intaas le’eg looga saari karay gudaha BND muddo ka badan toban sano iyadoo aan la ogaan.
Waxa kale oo uu dhaawac cusub ku yahay sumcadda hay’adda sirdoonka dibadda Jarmalka, oo horey ula kulantay kiisas la xiriira shaqaale lagu eedeeyay inay u basaasayeen dalal kale.
Sanadkii 2022, mas’uul hore oo BND ka tirsanaa oo lagu magacaabo Carsten L. ayaa la xiray isaga oo lagu tuhunsan yahay inuu xog sir ah u gudbiyay Ruushka. Wuxuu beeniyay eedeymaha loo heysto, iyadoo dacwaddiisu weli socoto.



