Home Wararka Maanta Puntland oo Golaha Ammaanka u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda federaalka...

Puntland oo Golaha Ammaanka u gudbisay cabasho ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya

0

Puntland ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ay kaga hadashay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la qabto wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, lana xoojiyo xiriirka caalamiga ah ee lala leeyahay dowlad-goboleedyada.

Qoraalka oo ku taariikhaysan 13-ka Sebtembar 2026, kuna socota Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bisha Sebtembar, Wakiilka Faransiiska Jérôme Bonnafont, ayaa Puntland ku sheegtay inay tahay warbixin hordhac ah oo ku saabsan ajandaha Golaha Ammaanka ee Soomaaliya bisha Oktoobar.

Puntland sheegtay in tan iyo 2023 ay Dowladda Federaalka ku eedaynaysay faragelin ay ku hayso arrimaheeda gudaha, iyadoo sidoo kale ku eedaysay inay taageerto maamulo iyo kooxo hubaysan oo ka jira dhulka Puntland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland muddo ku dhow laba sano ay dagaal kula jirtay kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal-Miskaad, iyadoo sheegtay in hawlgalladaas aysan ka helin taageero militari, dhaqaale ama qalab oo ka timid dowladda federaalka.

Puntland waxay sidoo kale Golaha Ammaanka uga digtay waxa ay ku tilmaantay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in dib loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira amniga badda iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda.

Ad